Daraasaddan ayaa baaraysa sida ay madaxda shaqalaha rayidka  ah iyo qaybaha kale ee dadweynaha Soomaaliya u arkaan caqabadaha iyo goldaloolooyinka ku xeeran nidaamka xulashada iyo shaqaalaysiinta ku dhisan doorsoocashada shaqaalaha rayidka ah ee Soomaliya. Kulankan ayaa ka koobnaan doona dhowr qaybood oo ay ka mid yihiin soo bandhigista daraasadda, oo ay ku xigaan su'aalo iyo jawaabo. Waxa kale oo ku lammaan dood-kooxeedyo lagu sii dhuuxayo mawduucan muhiimka ah.

Kulanka waxa uu ka dhici doonaa Muqdisho, Hotel Jazeera, 11, Diseembar 2024, saacaddu marka ay tahay 3:00 galabnimo illaa 8:00 fiidnimo. Madashani waxa ay isu keeni doontaa dadka gaadha go'aannada ugu sarreeya  hay’adaha dowliga ah, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, haween, dhallinyaro, iyo kooxaha bulshada rayidka, kuwaas oo ka doodi doonaa habdhaqanka shaqaalaysiinta shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya.

Lifaaqan hoose ayaad ka heli kartaa daraasadda oo dhammaystiran: : https://heritageinstitute.org/using-meritocracy-to-reform-somalias-public-service-challenges-and-opportunities/

Fadlan xasuusnow in barnaamijka iyo ajandaha oo dhammeystiran la soo gudbin doono wakhtiga ku habboon. Waxaan rejayneynaa in aan ku soo gaarnay wakhti fiican iyo in aan kugu soo dhaweyno madashaan.

Starts
Ends
Africa/Mogadishu
Hotel Jaziira
Hall 7